Madari Podcast

Madari Podcast

@madaripodcast · 75K subscribers · 209 videos · Arabic

Madari Podcast waa madal waxbarasho oo wacyigelin ku dhisan, kana shaqaysa soo saarista podcastiyo tayo sare leh, dooddo, falanqayn iyo barnaamijyo bulshada …

Episodes

2:19:08

MA DHAB BAA NOLOSHA NOLOSHA USA ||MADARI PODCAST ||

14K views · 4d ago · 2:19:08

Xalqaddeenan Madari Podcast, waxaan Axmed Seattle kala sheekaysanaynaa nolosha qurbaha, go’aankii soo noqoshada iyo la qabsiga Somaliland. Sheekadu waxay taabanaysaa masuuliyadda nolosha, saamaynta fikirka iyo ka gudbidda ku tiirsanaanta dadka kale. Waxaan eegaynaa shaqada iyo kharashaadka qurbaha, dhanka diinta, qoyska, tarbiyadda carruurta iyo kelinimada.

Topics: Hordhaca · Sannad kadib maxaa is badalay · Sideed isku qeexi kartaa? · Masuuliyada naftaada · Raadinta waxa kaa maqan! · Fahamka nolosha guurka

1:56:58

SIDEE AYAYNU HAMIGEENNA U RUMAYN KARNAA? || MADARI PODCAT ||

104K views · 2w ago · 1:56:58

Sidee ayaynu hamigeenna ugu beddeli karnaa waxqabad joogto ah? Kulankan Madari Podcast, waxaa marti inoogu ah Ali Jama waxaynu kala sheekaysanaynaa caqabadaha isbeddelka, cabsida fashilka, dib-u-dhigashada iyo joogtayn la’aanta. Waxaynu sidoo kale eegaynaa sida tallaabooyinka yaryari iyo maaraynta waqtigu uga qayb qaadan karaan horumarka nolosheenna.

Topics: Hordhaca · Waayo aragnimada qurbaha · Buuga furayaasha nolosha · Ayeeyday ayaa isoo korisay · Go'aan qaadashada · Farqiga aqoonta iyo ficilka u dhaxeeya

1:28:56

MAAL-GASHO MUSTAQBALKAAGA || MADARI PODCAST ||

76K views · 1mo ago · 1:28:56

Wax kasta oo qiimo leh maalgelin ayay u baahan yihiin, nafta aadamuhuna waa hantida ugu mudan ee la maalgeliyo. Podcast-gan waxaan Prof. Mubaarak Aar kala sheekaysanaynaa waxa ay ka dhigan tahay in qofku naftiisa maalgeliyo, aqoon uu kasbado, xirfadaha uu barto, waqtiga uu ilaashado, fikirkiisa uu kobciyo sidoo kale dadka iyo deegaanka uu ku dhex nool yahay uu si gaara uga feejignaado.

Topics: HORDHAC · SIDEE NAFTA LOO MAAL GALIYAA · MAALGALINTA WAXBARSHADA · WAXBARASHADA RASMIGA AH MA DAMAANAD QAADAYSO NOLOSHAADA · XIRFADAHA MUHIIMKA AH · MAALGALINTA WAQTIGA

1:27:11

DEEQDA IYO WAX-ISASIINTA SOMALIDA || MADARI PODCAST ||

20K views · 1mo ago · 1:27:11

Soomaalidu qarniyo badan waxay ahayd bulsho ku dhisan is-taakulayn, tolnimo, deris-wanaag iyo isu-gurmad. Qofkii wax hayay keligiis kuma koobnaan jirin, kii duruufi ku dhacdana cidlo lagagama tegi jirin. Xalqaddan Madari Podcast, waxaan dib ugu noqonaynaa mid ka mid ah tiirarkii muhiimka ahaa ee isku hayay bulshada Soomaaliyeed mawduuca xalqadeenuna waa: Wax-Isa-Siinta Soomaalida.

Topics: HORDHAC · MAWDUUCA XALQADA · 5TA TIIR EE DHAQANKA SOMALIGU KU TIIRSANYAHAY · WAX-SIINTA QARAABADA FOG · NINKII DILAAGA MARTI GALIYAY EE DILAY

Showing the 6 most recent episodes. Everything plays right here on Pod Atlas.

Have thoughts about Madari Podcast? Share them with other listeners.

Discuss this podcast

More Business podcasts

← Back to all podcasts